Kismaayo (Halqaran.com) – Shirka amniga ee maamul goboleedka Jubbalaan ayaa Tallaadadii maanta laga soo saaray qodobo kala duwan oo la xariira amaanka guud ee deeganada Jubbalaan xilliga doorashada.
General Cabdi Mahad la taliyaha dhinaca amiga ee hoggaamiya Jubbalaan ayaa shirka kaddib warbaahinta u sharraxay qodobbada kas oo baxay shirkii maanta.
La taliyaha ayaa sheegay in la isku raacay in dib loo billaabo shirkii billaha ahaa ee amniga looga hadli jiray ee u dheexeyay AMISOM iyo hay’adaha ammaanka Jubbalaan.
Generaal Cabdi Mahad ayaa xusay, in shirka lagu soo hadal qaaday ballanqaadkii AMISOM ee ku aaddanaa in aanay wax faragelin ah ku yeelanaynin howlaha doorashada ee dhawaan ka qabsoomaya maamulkaas.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay, in la magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Jubbalaan, kuwaas oo sugidda amniga doorashooyinka si toos ah kala shaqeyn doona masuuliyiinta AMISOM ee magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay, in ciidamada ammaanka ay u qeysanaan doonaan, kuwaa oo ka shaqeeya amniga gudaha iyo kuwa ilaaliya fariisimaha ciidamada ee guud ahaan Jubbalaan.
La taliyaha ayaa odayaasha dhaqanka, salaadiinta iyo waxgaradka Jubbalaan uga digay in wax xariir ah ay la yeeshaan amaba u hoggaansamaan amarrada Ururka Al-Shabaab .
Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa odayaasha dhaqanka ku wargeliyay in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan oday dhaqameedkii u dhaga nuglaan waayo digniinta maamulka tallaabooyinkaas oo isugu jira xabsi, kala noqosho kalsooni iyo ganaax.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com