Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Somaliland oo si cajiib ah uga hadashay xil ka qaadistii gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ‚‘Dhoobo waa nin Somalilander ah‘!

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland, Salebaan Cali Koore

Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumada Somaliland ayaa Sharci Darro Ku Tilmamaay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay Guddoomiyihii Barlamaanka Puntland Dhoobo-Daareed.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland, Salebaan Cali Koore oo maanta warbaahinta dalka ay wax ka waydiisay sida ay ka Somaliland ahaan u arkaan, xilka qaadistii gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay Dhoobo-Daareed.

Sidoo kale, wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, isla markaana xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u aqoonsatay qof Somalilander ah.


DAAWO SAWIRRO: Shariif Sh. Axmed iyo Wafdigiisa oo ugu dambeyn goor-dhow gaaray Baledweyne


“Waxaan u aragnaa kolay arinkay sheeganayeen inaanay marin iyo ida dastuurkoodu qorayo,cidi meesha fadhidayna aan sidii sharciga ahayd loo marin.waa war guud waxana u aragna inuu sifo sharci daro u dhacday, Dhoobo waa nin reer Soomaliland ah, waxana jeecelanahay inuu isaga oo Somaliland aaminsan uu yimaado, sababta oo ah waa dadka aan u sheegaynay in Somaliland ay la wada leeyahay ay tahay.”ayuu yiri wasiir Salebaan Cali Koore .

Ugu dambeyn, wasiir Salebaan Cali Koore ayaa u mahadnaqay dadka degan bariga Somaliland ee ka gilgilshay sida loola dhaqmay guddoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland, Dhoobo-Daareed  oo hadda ku sugan Xiin-Galool.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...