Tuesday, June 23, 2026
25.9 C
Mogadishu

VIDEO: Kheyre oo Booqday Qoysaskii ka Barakacay Fatahaadaha Degmada Bardaale, gargaarna ku baaqay +(SAWIRO)

Bardaale (Halqaran.com)- Ra’iisul Wasaraha Xakuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan cali kheyre oo maanta gaaray Degmada Bardaale ee Gobalka Baay oo ay Fatahaaduhu saameeyeen asaga oo u kuurgalayay Xaalada dhabta ah ay ka jirta Deegaankaasi.

Rw Xasan Cali kheyre oo tagay goobaha ay ku sugan’yihiin qooysaskii ka barakacay gudaha Degmada Bardaale,oo uu saameeyay fatahaadaha, Dadkii uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa uu u muujiyay sida Dowalada Soomaaliyed u garab taagan tahay shacabkeeda dhibaateysan,iyo sida Dowalada ugu go’antahay in ay garab istaagto Dadka ay masuuliyada u hayaan.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...