Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Miyuu Muuse Biixi oggolaan doonaa in Jabuuti lagu qabto wada-hadallada Somaliya iyo Somaliland & Kulan dhexmaray Geelle…

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu saacadihii la soo dhaafay kulamo lahaa hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo dalkaasi ku jooga booqasho maalmo ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay haleyso Halqaran.com ayaa inoo xaqiijiyey in Geelle uu hordhigay Biixi in dalab in uu martigeliyo wada hadal dowlada federaalka.

Mudane Geelle ayaa codsigaasi wuxuu horey ugu gudbiyey madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la sheegayo inuu oggolaadey.

Balse Madaxwynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa wuxuu shuruud ka dhigay in xukuumadda Muqdisho looga baahan yahay in ay aqoonsato qadiyadooda iyo in loosoo furo dhaqaalaha laga xayiray.

Sidoo kale, warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in Muuse Biixi uu oggolaadey in ay wada hadaladda ay qabsoomaan kahor dhammaadka sanadkan.

Ugu dambeyn, wada-xaajoodyadda labadda dhinac oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed iyo dano gaar ah oo ay wataan dowladdo shisheeye.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...