WAR XASAASI: Wax ka Ogow saddex arrimood oo ku daahsoon dib u dhacyada Shirka beelaha Galmudug!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Markii saddexaad ayuu dib uga dhacay shirka loogu magac daray dib u heshiisiinta Galmudug waqtigii loo muddeeyay.

Xukuumadda Federaalka oo hoggaanka u haysa isu imaatinka ma aysan soo bandhigin sababta dhabta ah marka laga reebo in ku sheegto arrimo farsamo.

Hasa ahaatee, waxaa jira warar is xoojinaya oo ku saabsan jiritaanka arrimo daaha gedaashiisa ku jira oo sabab u ah in uu furmi waayo shirkan.

Cabashada

Dhinacyadda qaar ee shirka ka qeybgalaya ayaa la sheegayaa in ay qabaan tabashooyin, kuwaasi oo qaarkood dhexdooda ah.

Cabashadda ayaa lagu waramayaa in ay ku saabsan tahay ergada uga qeybgaleysa shirka, oo ay saluug ka muujiyeen tiradda la siiyey.

Intaasi waxaa wehlisa in ay ashtako ka qabaan “ajendeyaal siyaasadeysan” oo ay sheegeen in ay ku geedaamin yihiin shirka.

Qoondada Ahlu Sunna

Macluumaadyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in caqabado ka imaanaya dhanka Ahlu Sunna ay kamid yihiin sababaha uu shirka u furmi la’yahay.

Xogta ayaa sheegeysa in shuruudaha Ahlu Sunna ku rabto in shirka uu ku furmo ay kamid tahay in loo xaqiijiyo tirada ay ku yeelanayaan baarlamaanka cusub.

Illo wareedyo ayaa dusiyey in Ahlu Sunna dalbaneyso 35 Xildhibaan, halka dowladduna taagan tahay 30 mudane.

Qorshaha Villa Soomaaliya

Shirkan dib u heshiisiinta loogu yeeray ayaa waxa uu gogol xaar u yahay mid kale oo la sheegayo in lagu soo xuli doono Xildhibaanda cusub.

Sidda ay sheegeen illo xog ogaal ah, xukuumadda ayaa dooneysa in ay kasoo baxaan mudaneyaal doorta murashax ay wadato.

Sikastaba ha ahaatee, is-waafujinta qorsheyaashaasi iska soo horjeeda ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u yihiin dib u dhacyadda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com