Badhan (Halqaran.com) – Duqa Degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa loo doortay Axmed Maxamed Timir, kaddib doorasho galabta ka dhacday magaalada Badhan.
Gudddoomiyaha cusub ee degmada Badhan ayaa waxaa doortay golaha cusub ee deegaanka.
Magaaladda Badhan ayaa laga dareemaya isbaddel xooggan oo xagga maamulka ah tan iyo markii dadka deegaanku tashadeen, kana gacmo baxeen Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa diidan midnimada Soomaaliya, kuna doodda in ay leedahay Sanaag, maadaama ay ka mid ahayd xadduudihii gumeystaha Ingiriiska.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com