Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Jubbaland oo maanta Xayiraaddii ka qaaday Golaha Wasiirrada Somaliya & Axmed Madoobe oo…

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacii maanta magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Jubbaland, Lix Maalin kadib dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya, taasoo la saaray xilligii ay socdeen doorashooyinka Jubbaland.

Marka laga soo tago tallaabada ay Maanta qaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa hadana dowladda Soomaaliya waxa ay horay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay Magalada Kismaayo, sida xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa xilligii lagu jiray doorashooyinka waxaa uu xayiraad dhinaca socdaalka ah saaray Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha, taas oo dhaqan-gashay.

Xayiraada maanta Jubbaland ay ka qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa, xilli kol hore Wasiirada Jubbaland ay diideen safaro in madaxda dowladda ay ku tagaan Magaalada Kismaayo si aysan u carqaladeyn doorashada Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...