Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

UPDATE: Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhaco Dhuusamareeb iyo Guuleed oo ka digay!

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynahihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Galmudug, Ciidamada ay dowladda geysay Dhuusamareeb iyo qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayuu marka hore guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ku eedeeyay aysan u tegin Odayasha & Waxgaradka ku shirsan Magalada Hobyo, isla markaana aysan wax ka weeydiin waxybaaha ay tabayaan iyo u jeedka shirkooda.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Shirka Hobyo ka dhinac fureyso shir kale, iyada oo aan fikirkooda la dhageysan dadka ku shiraya Hobyo, kuwaas oo qaba tuhun fara badan taasina ay tahay arrin layaab leh.

Sidoo kale, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed aya soo hadal qaaday xaalada ka taagan Magalada Dhuusamareeb iyo Ciidamada ay dowladda geysay, waxaana uu sheegay in dadaalkii lagu bixiyay heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna ay dowladda dayacyday.

Cabdikariin Guuleed, ayaa ka digay in dagaalo iyo bur bur uu ka dhaco Magalada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay in Ciidamada ay dowladda ku daabuleyso Magalada Dhuusamareeb aysan waxba u soo kordhineyn, hayeeshee Galmudug u baahan tahay wada-hadal iyo dib u heshiisiin.

Hadalka Madaxweynihii hore Galmudug ayaa ku soo aadaya, xilli Ahlu Sunna ay sheegtay dowladda inay ka baxday heshiiskii ay wada saxiixdeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...