Sunday, June 21, 2026
25.3 C
Mogadishu

DF Somaliya oo war culus ka so saartay heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saareen ururka Ahlu sunna kaas oo ay ku sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay jebisay qodobadii ay ku wada heshiiyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Sabriye oo shacabka Dhuusamareeb la hadlayay ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan ka bixin qodob kamid ah tobonkii qodob ee Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ay ku heshiiyeen.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ku dadaaleyso in reer GalMudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay dowladduna ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan qodobadii ee lagu wada heshiiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Ahlu Sunna waxaana heshiiskaasi wada saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka iyo madaxa fulinta GalMudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

War uu shalay soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir ayuu ku sheegay in heshiiskii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Alusunna uu buray isaga oo ku eedeeyay in ay dowladda ciidamo keentay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...