Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Xildhibaan Mahad Salaad ”Xukuumadda Somaliya xaq uma lahan inay farageliso Jubbaland”

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahan doorashadda Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xukuumadda aysan sharci aheyn faragalinta ay ku hayso Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay in ay u hoggaansanto Dastuurka Dalka.

”Dhisamaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa yiri ”Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland”

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...