Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u diyaar-garoobay dagaal culus oo ka dhaca magaalada Kismaayo, haddii ay fursan wayso.
Warar hoose oo ay Halqaran.com ka helayso Kismaayo iyo dad ku dhow dhow madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegaya in dhammaan ciidamadiisa uu heegan buuxa geliyey, sidoo kalena uu halay hub aad u badan oo dhanka Kenya uga yimid.
Mr. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale laga yaabaa in diyaarad uu ku soo xaabiyo dhammaan musharraxiinta ay taageereyso dowladda federaalka, kuwaasi oo uu ku sheegi doono iney caqabad ku yihiin hannaanka dowliga ah.
Musharraxiinta is uruursaday ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa qorshahooda wuxuu yahay in nabad xumo ka sameeyaan Kismaayo, sababtoo ah, waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa la sheegayaa in dhankeeda ay ciidan badan dooneyso inay geyso magaalada Kismaayo, taasi waxa ay sii xoojisey cabsida hadda ka jirta magaalada.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com