Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG HOOSE: Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku diyaariyay dagaal ka dhaca Kismaayo iyo Musharaxiinta oo..

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u diyaar-garoobay dagaal culus oo ka dhaca magaalada Kismaayo, haddii ay fursan wayso.

Warar hoose oo ay Halqaran.com ka helayso Kismaayo iyo dad ku dhow dhow madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegaya in dhammaan ciidamadiisa uu heegan buuxa geliyey, sidoo kalena uu halay hub aad u badan oo dhanka Kenya uga yimid.

Mr. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale laga yaabaa in diyaarad uu ku soo xaabiyo dhammaan musharraxiinta ay taageereyso dowladda federaalka, kuwaasi oo uu ku sheegi doono iney caqabad ku yihiin hannaanka dowliga ah.

Musharraxiinta is uruursaday ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa qorshahooda wuxuu yahay in nabad xumo ka sameeyaan Kismaayo, sababtoo ah, waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa la sheegayaa in dhankeeda ay ciidan badan dooneyso inay geyso magaalada Kismaayo, taasi waxa ay sii xoojisey cabsida hadda ka jirta magaalada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...