Friday, March 13, 2026
26.7 C
Mogadishu

C/raxmaan C/Shakuur: ”Ma ahayn in tacsi iyo baroordiiq loo sameeyo Injineer Yariisow”

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa dhaliilay go’aankii ay dowladda Soomaaliya tacsi iyo baroordiiq ugu sameysay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, allaha u naxariisteen Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisow.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook oo arrintan ku saabsan ayuu marxuum Cabdiraxmaan Yariisow u dhigay sidan:-

Tacsi baroordiiq waxaa loo sameeyaa ruuxii si dabiici ah u geeriyooda. Allaha u naxariistee Eng Yarisow cadow ayaa dilay ee si dabiici ah uma dhiman. Waxay ahayd in aan muujino in cadow uu haldoorkeedii laayey.

Diinteena Islaamka ahi ma dhiirogeliso tacsi, janaaso iyo baroordiiq loo sameeyo dadka gacanta cadawga ku shahiida. sababtuna waa in cadawga loo muujin catow iyo dabacsanaan, dadkana aan dhiiga shuhadada wax iska caadi ah looga dhigin.

Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo, maantana ay noqoto maalin dhiilo iyo abaabul. Waxay ahayad in Eng Yarisow guutooyinka ciidanka difaaca ku jira loogu magac daro, hogaanka dawladana uu furimaha dagaalka joogo, waxay ahayd in cadaalada la horkeeno kuwii abaabulay fududeeyey, falkana gaystay, laakiin midkood na ma dhicin. Weli waa nala hodayaa, cadawga ayaana na loo garba duubayaa inta dilka Eng Yarisow geeri dabiici ah loo ekeysiinayo.

Allaha u naxariisto Eng Yarisow iyo intii kale weerarkaas ku shahiiday. Aamiin

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...