Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Xildhibaan ka tirsan Jubbaland oo u geeriyooday COVID-19

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Allaha u naxariistee xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland kaa oo Kismaayo ugu geeriyooday xanuunka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa dowladnimada Jubbaland isaga oo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalena mar walba u taagnaa midnimada bulshada.

“Allaha u naxariistee xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin lahaa dowladnimada isaga oo laba mar oo hadda u dambeysay ahaa xildhibaan intii uu shaqadaan hayey ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...