Hague (Halqaran.com) – Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa Khamiista galabta ah lagu soo gabagabeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.
Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Qareenno Ajnabi ah.
Dowladda Kenya ayaa ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah, inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.
Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah. Waxay dacwaddani billaabatay 2014-kii, waxayna soo martay marxalado kala duwan.
Si kastaba, waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamadda ICJ uu qaato dhowr biloo, sida uu sheegay Yusuf Garaad Axmed oo ka mid ah Wafdiga DF Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





