Muqdisho (Halqaran.com) – Wajiga 2aad ee shirkii wadatashiga doorashooyinka ee heer wasiir ayaa maanta ka furmaya hoteelka Decale ee garoonka Aadan Cadde, waxaana shirka yeelanaya guddigii horey loo magacaabay, kuwaas oo kala matalaya Maamul Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana horray u magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wajiga 1aad ee shirka ayaa horray uga dhacay Baydhabo, iyadoona shirkaas lagu gaaray go’aamo masiiri ah.
Shirkaan ayaa waxa uu horudhac u yahay shirka Madaxda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la filayo in uu dhawaan ka furmo magaalada Muqdisho.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





