Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

App kuu sahlaya in salaadaha aad jamaacada ku dukato

Ankara (Halqaran.com) – Nin Muslim ah oo u dhashay dalka Taiwan ayaa sameeyay app cusub oo qofka Muslimka ah ka caawinaya in uu helo goobta ugu dhaw ee uu ka heli karo jamaaco oo la dukado.

“Waxda waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay wadajir,midnimo iyo isku uur waxaana rajeynayaa in Muslimiinta ay ku midoobaan.” Cheng Ping oo ku soo dhex koray qoys Muslim ah haddana dhigta Bilkent University, magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa u sheegay Focus Taiwan.

Marka loo eego Cheng, app-kaan cusub ayaa qofka Muslimka ah ka caawinaya in uu ogaado Muslimiinta kale ee hareerihiisa joogta si ay salaadda wadajir ugu wada dukadaan.

Waxa ay sidoo kale isugu diri karaan farriimo wacyi-gelin ah iyo ogeysiis xilliyada salaadda si loogu soo deg-dego qeyrka iyo samaha.

Waxaa intaas dheer, in uu qofka u sheegayo masjidka ugu dhaw ee uu ku dukan karo shanta salaadood maalintii.

App-kaan waxaa laga heli karaa Google Play iyo Apple’s App Store, waxaana uu ku tarjuman yahay afaf kala duwan oo ka saacidaya qofka Muslimka ah ee jooga dal aan Muslim aheyn.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...