Minnesota (Halqaran.com) – Xildhibaannad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro Dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu amray dilka wariye Jamaal Khaashuqji.
Ilhaan Cumar hadalkeeda ayaa imaanaya xilli sirdoonka Maraykanka ay sheegeen in uu Dhaxal sugaha Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Khaashugi.
Habka loo dilay wariyahan ayaa carro iyo cambareeyn ka dhaliyay Caalamka, taasi oo keentay baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo ciddii ka dambeeysay dilkiisa.
Wariye Jamaal Khaashugji ayaa 2d-dii bishii Oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com