Britain (Halqaran.com) – Shamima Begum, oo ah haweeney u dhalatay waddanka Ingiriiska, taasoo ka tagtay Ingiriiska sanadkii 2015-kii si ay ugu biirto ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa loo diiday inay ku soo laabato waddanka.
Ms Begum, oo hadda 21 jir ah, ayaa dooneysa inay ku soo laabato boqortooyada Ingiriiska, si ay u sii wadato dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda Ingiriiska ay dhalashada kala laabatay sanadkii 2019-kii.
Shamima Begum, ayaa in kabadan saddex sano ku dhex noolayd deegaannadii ay ISIS maamulayeen ee Suuriya, waxaana la arkay iyadoo leh uur sagaal bilood ah xilli ay ku sugneyd xero qaxooti oo ku taala dalka Suuriya sanadkii 2019-kii, haseyeeshee cunugeeda ayaa markii dambe u dhintay oof-wareen.
Gabadhan waxaa horay uga dhintay labo caruur ah oo ay dhashay.
Markii la ogaaday in ay ka mid ahayd ururka la baxay Khilaafada Islaamka, wasiirkii arrimaha gudaha Britain ee xilligaas, Sajid Javid ayaa kala laabtay sharcigii iyo dhalashadii dalka Britain.
Shamima Begum, waxay ka tagtay boqortooyada Ingiriiska sanadkii 2015-kii, iyada oo markaas 15 jir ahayd, waxa ayna hadda ku nooshahay xero qaxooti oo ku taala waqooyiga Suuriya.
Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





