Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo Sharciyeeyay Adeegga Shirkadda Hormuud ee EVC Plus +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Bankiga dhexe ee dalka ayaa Sabtidii maanta Liisanka siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la isugu diro taleefoonnada Gacanta.

Munaasbad kooban oo ay ka qeybgaleen Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo markii ugu horreeysay maanta lagu bixiyay Liisanka lacagaha taleefanada la isugu diro ee Shirkada Hormuud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaalle Beyle oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya.

Guddoomihaha Bangiga dhexe ee dalka, Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga dhexe labadi sano ee ugu dambeeysay uu waday nadaamka habeenta maaliyadda dalka, isaga oo Liisanka  guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horreeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro.

“Maanta waxaanu isugu nimid shahaadada aqoonsiga ee uu bixiyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya in aan guddoonsiino shirkadda Hormuud gaar ahaan adeegga EVC Plus-ka, adeeggaan ayaa ah maanta laga billaabo mid la isku halayn karo, maadaama uu maray dhammaan shuruudihii caalamiga ahaa ee Bangiga dhexe soo saaray, waana adeeg maaliyadeed oo la isku hallayn karo, inkastoo markiisi horeba ahaa adeeg la isku hallayn karo oo dadka Soomaaliyeedba isticmaali jireen” ayuu yiri Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...