Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Xildhibaan Beene Beene: “Muddo kororsi ayay wadaan, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyda‘‘

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamuud Beene Beene oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga Ganacsiga Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo guddoonka baarlamaanka inay wadaan qorshe muddo kororsi ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Guddiyada Joogtada Golaha Shacabka Soomaaliya muddo bil ah dib ay u dhigeen in Guddiga doorashada hor yimaado Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya walaaca ku aadan arrintaasi.

Xildhibaan Beene Beene ayaa sheegay go’aanka dib loogu dhigay Guddiga doorashada inay hortagaan Golaha inay tahay arrin la isla wada ogaa oo ay ka shaqeeyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid qalad ah.

“Go’aanadi Shirki Labada guddi joogto waxaa uu aha go’aano qorsheysan oo afduub ah, waliba qodobo sharciga doorashada ah ayaa la jebiyey, Guddoonka ayaa fushaday qorsho ay wateen horayna loogu soo heshiiyey.” Ayuu yiri Xildhibaan Beene Beene.

Sidoo kale, waxaa walaac muujinaya Xubnaha Beesha Caalamka qaarkood oo ka walaacay dib u dhigista shaqada Guddiga doorashada ee ay ku hortagi lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, muddooyinkaan dambe waxaa jirta hadalhayn xoogan oo ku aadan in madaxda sare ee dalka ay wadaan qorshe ay ku sameynayaan muddo kororsi, maadaama illaa hadda aysan cadeyn hanaanka doorashada Soomaaliya ay u dhaceyso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...