Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Minneapolis: 4 Askari oo shaqadii laga eryay, kaddib dil loo geystay nin Madow ah.

Minnneapolis (Halqaran.com) – Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey, kaddib markii lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay hadda yihiin shaqaale hore.

Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh (Ma neefsan karo), iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd.

Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.

FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis.

Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.

Galabnimadii Talaadada ahayd Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa xaqiijiyay in shaqada laga eryay afartii askari ee ku lugta lahaa kiiskan.

“Taas ayaa tillaabada saxda ah‘‘, waxaa sidaas bartiisa Twitter-ka ku qoray duqa magaaladaas.

“Waan aaminsanahay waxa aan arkay waana khalad weyn. Haddii aad tahay qof madow oo u dhashay Maraykanka micnaheeda maahan xukun dil ah.” Ayuu ku daray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...