Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Shirkii Amniga Gaalkacyo ee u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug?

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta magaalada Gaalkacyo kulan heer sare ah ku yeeshay laba wafdi oo ay kala hoggaaminayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa senatarro iyo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhanka kale wasiirro iyo xildhibaanno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Puntland.

Waxaa diiradda lagu saaray kulankan, iskaashiga dhanka amniga ee labada Dawlad Goboleed, xoojinta nabadda, xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyo si wadajir ah la isaga kaashado la-dagaalamo Ururka Al-Shabaab.

Kulanka kadib ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay labada Wasiir ee kala hogaaminaysay labada wafdi Md. Ahmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug iyo mudane Maxamed Dhabancad wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Labada wasiir ayaa sheegay, in labada dhinac ay si rasmi ah isugu waafaqeen in wadajir looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonada gobolka Mudug, islamarkaana lala dagaalamo Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...