Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xal laga gaaray shaqaaqo khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta xal kama dambeys ah looga garay shaqaaqooyinka sababay dhimasho kuwaas oo ka dhacay Gaxan dhaale iyo Gaalkacyo.

Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ee Puntland Shaafici Cabdullaahi Xaashi, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxman Sheekh Xasan , odayaasha Nabadda ee labada dhinac iyo ciidanka xasilinta Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta ayaa kulanka waxa ay ku kala wareejiyeen qori iyo duug lacageed , waxaana Odayaasha Dhaqanka uga mahadceliyeen dadaalada ay ku bixinayaan xasilinta arrimaha nabadgelyada gobolka.

Ugu damebyn, deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay colaad beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana weli degaano kamid ah Gobolkaasi Mudug ka jiray Colaad Beeleedyo soo laab laabtay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...