Gaalkacyo (Halqaran.com) – Kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta xal kama dambeys ah looga garay shaqaaqooyinka sababay dhimasho kuwaas oo ka dhacay Gaxan dhaale iyo Gaalkacyo.
Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ee Puntland Shaafici Cabdullaahi Xaashi, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxman Sheekh Xasan , odayaasha Nabadda ee labada dhinac iyo ciidanka xasilinta Magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta ayaa kulanka waxa ay ku kala wareejiyeen qori iyo duug lacageed , waxaana Odayaasha Dhaqanka uga mahadceliyeen dadaalada ay ku bixinayaan xasilinta arrimaha nabadgelyada gobolka.
Ugu damebyn, deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay colaad beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana weli degaano kamid ah Gobolkaasi Mudug ka jiray Colaad Beeleedyo soo laab laabtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com