Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maamulka Gobolka Banaadir oo Awaamiir cusub soo saaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa awaamiir culus kasoo saaray Gawaarida Xamuulka ee Isticmaala Dekadda Magaalada Muqdisho si loo yareeyo saxmada iyo jaamka ka jira waddooyinka Magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo awaamiirta Warbaahinta u Akriyay ayaa faray Milkiilayaasha Gaadiidka xamuulka ee ka howlgalla dekadda Muqdisho in Gaadiidkooda kasoo bixi karaan dekadda laga billaabo saacadda 10:00 Habeenimo kuna eg ilaa 4:00 Habeenimo.

Sidoo kale, waxaa la mamnuucaay Gaadiidka Dekadda kasoo qaada Rarka dheeraadka ah, kaas oo mararka qaar ku rogmada wadooyinka magaalada Muqdisho, isla markaana dhibaato ay ka dhalato.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in la amrayo Ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka  & Marinaayo ee Magaalada Muqdisho ay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda.

Dhamaan Gaadiidleyda xamuulka qaada ee ka Shaqeeya dekadda & saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir sida uu yahayna loo fuliyo.

Awaamiirtan kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ay mararka qaar shirk u galaan Gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada, sidoo kale bur bur xoogan uu ka muuqdo wadooyinka qaar dhibaatana ay ku qabaan Gaadiidleeyda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...