Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Wasiirka Gaadiidka Uganda Gen. Katumba Wamala oo Kampala lagu toogtay

Uganda (Halqaran.com) – Taliyihii hore ee Ciidanka Difaaca Uganda ahna Wasiirka Gaadiidka Gen. Katumba Wamala ayaa maanta oo Talaado ah lagu toogtay magaalada Kampala gaar ahaan Kisaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan.

Dhowr xabad ayaa ku dhacday gaarigiisa, waxaana soo gaaray dhaawac halis ah, gabar uu dhalay iyo wadihii gaarigiisa ayaa ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo warbaahinta xogtaan la wadaagay.

Sawir laga soo qaaday gaariga iyo jananka waxaa ka muuqday dhaawacyo ka dhashay rasaasta lagu furay, waxaana aad u dhiig-baxay Katumba Wamala oo markii dambe gurmad degdeg ah ka helay ciidamo militari ah.

2005-tii ilaa 2013-kii waxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta (Dhulka) Uganda, waxa uu lasoo shaqeeyay Ciidamada Booliska ammaanka ka shaqeeya intii u dhaxeysay 2001-tii ilaa 2005-tii sida ay sheegeen saraakiil lasoo shaqeysay.

General Katumba Wamala waxa uu lasoo shaqeeyay ciidamada Ururka Midowga Afirka ee AMISOM, isaga oo hoggaanka u qabtay ciidamada Lugta Uganda ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2007-dii.

Waa saaxiibka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni tan iyo 1986-dii waana tan keentay in uu meelo kala duwan kasoo shaqeeyo sida ciidamada Booliska, Militariga iyo Wasaaradda Gaadiidka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...