Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Meydka gabar la la’aa maalmo oo maanta laga helay guri ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa meydka gabar yar oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay baadi goobayeen qoyskeeda, taasi oo laga dhex helay guri ay daganeyd oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley gobolka Banaadir.

Gabadhaan oo lagu magacaabi jiray Nafisa Cumar Geelle ayaa meydkeeda laga dhex helay digsi weyn oo nooca raashinka lagu kariyo oo lagu dhex qariyay, waxaana jirkeeda ka muuqday Jirdil loo geystay iyo in gacmaha laga xiray.

Nafisa Cumar ayaa la waayay maalintii Axadda aheyd, iyadoona labadii maalin ee lasoo dhaafay ay baafinayeen qoyskeeda, waxaana laga dhex helay gurigii ay deganeyd oo ku yaalla Kaawo Godey, kadib markii guriga laga dareemay ur, sidaasina lagu helay meydka oo digsi ku jira.

Dadka deegaanka xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley gobolka Banaadir ayaa siweyn maanta u hadal haaya dhacdadaan xanuunka badan, waxaana qoyska iyo ehelada marxuumadda ay arrintan noqotay mid Fajaciso ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...