Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Masar oo ka hor-timid qorshe Itoobiya ay ku dhisan doonto biyo-xireen

Egypt (Halqaran.com) – Dowladda Masar ayaa waxaa ay si kulul u cambaaraysay hadalkii uu RW Ethiopia, Abiy Ahmed ku sheegay inay in ka badan 100 biyo-xireeno waa weyn iyo kuwo yaryar ka dhisi doonaan dalkiisa.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Ethiopia weli muujineyso daacad-xumo, kuna xadgudbayso Xeerarka Caalamiga.

Masar waxay kaloo sheegtay inay had iyo jeer aqoonsan yihiin xuquuqda ay dhamaan dalalka ku xeeran webiga Niil inay mashaariic biyo dhistaan, balse waa in marka hore La-tashiyo iyo heshiis lala gaaro dalalka ay waxyeelladu ka soo gaari karto.

RW Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu sheegay inay dhismaha in ka badan 100 biyo-xireen bilaabi doonaan sanad-maaliyadeedka soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshahaasi yahay xeelladda keliya ee looga hortagi karo waxa uu ugu yeeray quwdaha shisheeye ee caddowga ku ah dalkiisa.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...