Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo lagu soo dhaweeyay degmada BeledXaawo

BeledXaawo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay sheegayaan, in halkaasi uu gaaray Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan.

Sida uu baahiyay Tvga Jubbaland ee ku hadla afka Maamulkaasi Cabdirashiid Janan, ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baled Xaawo.

Maalmihii la soo dhaafay, ayaa Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, wuxuu ku sugnaa Magaalada Nairobi.

Shacabka iyo Maamulka Degmada BeledXaawo, ayaa Wasiirka waxa ay ku soo dhaweeyeen degmadaasi.

Cabdirashiid Janan, ayaa ka baxsaday gacanta Dowladda Federalka Somaliya, kadib markii uu ka baxsaday xabsiga, isla-markaana doon uu ku tagey Magaalada Kismaayo.

Si kastaba, maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf adag oo dhanka siyaasadda ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...