Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Sh. Dhexe: Qarax lagu Dilay ciidamo ka tirsan AMISOM & Wararkii ugu dambeeyay

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Wararka aynu ka helayno Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Amisom Qarax miino lagula eegtay Gobolkaasi.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ee Gobolkaasi Shabellaha dhexe.

Dadka deegaanka waxa ay soo wariyeen qaraxa inay dusha sare ka arkayeen qiiq & uuro ka dhashay Qaraxa, markii mid ka mid ah gaadiidka Amisom uu qabsaday Qaraxaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Amisom, halka kuwo kalena dhaawac uu soo gaaray.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkaas, iyagoona sheegtay inay halkaas ku dileen Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi.

Geesta kale, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Amisom oo ay uga hadlayaan Qaraxii Askarta Burundi lagula eegtay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...