DAAWO SAWIRRO: DF Soomaaliya oo billowday baaritaanka cudurka Coronavirus

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii maanta ka bilowday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in baaritaan ay ku sameyso dadka soo dagaya si looga taxadaro Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Dhaqaatiir iyo Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya ayaa la geeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana Baaritaan ay ku sameynayaan dadka Garoonka ka soo daga.

Dunida ayaa waxaa taxadar wayn looga jiraa xanuunka Coronavirus oo dalka Shiinaha si wayn uga dilaacay, saameyntiisana ay muuqato.

Soomaaliya ayaanan laheyn dhaqaatiir iyo qalab tayadooda ay wanaagsan tahay oo Baaritaanada Caafimaadka lagu sameeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com