Thursday, July 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa dalka Kenya Daniel arap Moi oo geeriyooday.

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa dalka Kenya Daniel arap Moi ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 95 jir.

Geerida Moi ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenyata isagoo ka hadlayay Idaacadda dowlada talaadadii.

Moi, oo xukumay dalka Kenya muddo 24 sano ah, ayaa ku jiray isbitaal muddo bil ka badan.

In kasta oo lagu dhaleeceeyo inuu ahaa kaligii taliye, ayaa Moi wuxuu taageero xoog leh ka helay dad badan oo reer Kenya ah, waxaana loo arkayay inuu ahaa mid dadka isu keenay markii uu xukunka qabtay ka dib markuu uu geeriyooday Madaxweynihii ugu horreeyay Kenyna ee Jomo Kenyatta 1978-kii.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya.

Daniel arap Moi ayaa inta uusan madaxweyne noqonin waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeen sannadkii 1967-dii, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...