Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Wasiir Xundubey “Dowladda uma qorsheysna inay weerarto Saadaq Joon”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey Jimcaale oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo dhawaan uu Farmaajo sheegay inuu garaadihii ka xayuubiyey.

Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladdu damacsan tahay ina xaafadda Shiirkole ku weerarto sarkaalkaas, balse waxaa la ogaa in xalay iyo habeenkii Arbacada guluf colaadeed laga dareemayey xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladdu ciidamo soo dhoobtay wadada 30-ka.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkaas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda uu degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Waxaa xalay aad u kacsaneed xaaladda xaafadda Shiirkole, iyadoo ay halkaas gaareen xildhibaano iyo odayaal dhaqan oo Jeneraal Saadaq Joon ku heyb ah, sidoo kale waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigtay bulshada xaafadaas oo ku qeylineysay “Farmaajo dooni meyno” waxayna odayaashii iyo xildhibaanadii xalay halkas warbaahinta kula hadlay sheegeen inay iska difaacayaan hadii weerar uga yimaado ciidamo ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo u soo diray.

Xildhibaanada xalay tegay Shiirkole eek u hoyday waxaa ka mid ahaa Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye iyo odayaal dhaqan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...