Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Puntland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku saabsanaa in madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada.

Haddaba halka hoose ka akhriso War-ka uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Puntland oo sidaan u qornaa:-

“Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay!

Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay.

Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna  markiiba waadii amray in la  baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin!

Soomaalidu waxay illaashan jirtay Afartii sano in halmar ay Doorasho ka dhacdo dalka, si wanaagsana xilka la isugu wareejiyo. Balse waxaa muuqata in aad noqotay qofkii ugu horeeyay burburkii kadib Kursiga isku dhejiya, isku daya muddo kororsi aan sharci aheyn , xoog iyo jujuub, dhammaan ficiladaasina dadka Soomaaliyeed waa soo arkeen natiijadooda”.

-Dhammaad-

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...