
Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiiru dowlihii Cadaaladda dowlad goboleedka Hirshabelle, Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa Axaddii maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus.
Marxuum Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus.
Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa mareegta Halqaran.com u xaqiijiyeen geerida marxuumka, sidoo kalena ka mid ahaa Baarlamaanka Hirshabelle.
Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin ayaa ku jiray Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobta dowladda Soomaaliya ugu talagashay in lagu karantiilo bukaanada qaba Covid-19.
Walaac badan ayaa ka jira Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad oo wanaagsan, marka loo eego sida dalalka caalamka ula tacaalayaan Cudurka Covid-19.
Waa qofkii labaad oo magaalada Muqdisho ugu geeriyooda Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, maadaama horey uu u dhintay muwaadin 58 jir ahaa, oo dowladda ay sheegtay inuu u dhintay Covid-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





