Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

Farmaajo ”Waxaan xoogga saareynaa ka hortagga COVID-19, maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan”

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah.

“Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...