Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

AKHRISO: War-murtiyeedka Shirka Wasiirka Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaaradda  Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa  ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo  cudurka CoronaVirus / COVID19.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga.

Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna.

Dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen:

  1. In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.
  1. In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama  ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.
  1. Guddi ka kooban  Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta  masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.
  1. Waxaa mar kale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...