Monday, June 22, 2026
26 C
Mogadishu

Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle oo Jowhar ku geeriyooday

Jowhar (Halqaran.com) – Wasiirkii Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta maleeshiyaadka Hirshabelle Axmed Cumar Gaabow, ayaa ku geeriyooday Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow Sh Libbi sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Wasiir Xildhibaan Sh Libbi ayaa waxaa uu baarlamanka Hirshalle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo La unkay Dowladda Hirshabelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...