Tuesday, August 18, 2026
26.9 C
Mogadishu

Israel oo qorsheynaysa 7 kun oo guri inay ka dhistaan Daanta Galbeed ee Falastiin

Israel (Halqaran.com) – Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa soo saaray ogolaanshaha dhisme ee 7,000 oo ah guryo cusub oo laga dhisayo deegaan ku dhow magaalada Bethlehem ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, taasi oo Falastiiniyiinta ay cambaareeyeen.

Naftali Bennett ayaa ku dhowaaqay inuu “ansixiyey dhismaha kumanaan guri oo cusub” ee laga sameynayo deegaanka Efrat ee ku dhow magaalada Bethlehem ee Koonfurta Daanta Galbeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhulkan cusub uu ogolaan doono aas-aaska xaafad cusub oo lagu magacaabo Givat Eitam.

“Xowliga dhismaha ma ahan in iminka la joojiyo,” ayuu yiri Bennett.

Bennett, oo ah xagjir aaminsan siyaasadda midigta fog, ayaa la filayaa inuu xilkiisa ka tago maalmada soo socda, isaga oo aan ku jirin dowladda cusub ee ra’iisul wasaare Netanyahu.

Waxaa xilkiisa la wareegay Benny Gantz oo Netanyahu la galay heshiis uu 18 bilood ku haynayo xilka ra’iisul wasaaraha, kadibna isaga uu la wareegi doono.

Tan iyo markii uu Donald Trump madaxweyne noqday 2017-kii, dowladda Mareykanka ayaa joojisay inay cambaareyso deegaan ballaarinta ay Israel waddo, wuxuuna taageeray hindise ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Xogtan waxaan ka soo xiganay wakaaladda Wararka AFP

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...