Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

Dowladda Kenya oo xaalad karantiil ah gelisay Xaafadda islii ee Nairobi, ‘Cidna ma geli karto, lagamana soo bixi karo‘!

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa xaalad karantiil ah gelisay xaafadda Soomaalida Nairobi ku badan tahay ee Islii, ee ka tirsan Degmada Kamakunji.

Kenya ayaa amar ku bixisay in muddo laba toddobaad la karantiilo xaafadda Islii, iyadoo markaasi aysan jirin cid ka bixi karta, soona geli karta.

Amarka xayiraadda lagu saaray Islii ayaa waxaa soo saaray Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe. Amarkan mid lamid ah ayuu Wasiirku ku soo rogay suuqa qadiimiga ee Magaalada Mombasa.

Wasiirka ayaa ku andacoonaya in labadaasi goobood ay yihiin goobaha xaaladaha ugu badan ee Coronavirus laga diiwaangeliyay, guud ahaan dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in xaafadda Islii oo qura laga diiwaangeliyay afartan xaaladood oo Coronavirus ah.

Tani ayaa waxaa ka xumaaday Guddiga Ganacsatada ee Islii iyo Xildhibaanka Degmada Kamakunji laga soo doorto, Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka xumaaday karantiilka shan iyo tobanka maalmood socon doono ee lagu soo rogay xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Xildhibaanka ayaa muujiyay inaanan loo baahnayn karantiilka la geliyay Islii, sababtoo ah buu yiri xaafaddu kama duwana xaafadaha kale ee mushkiladahaasi ay haysato.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka Degmada Kamakunji laga soo doorto, Yuusuf Xasan Cabdi la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay, in uu aad uga xunyahay arrinta ay dowladda kenya ku dhaqaaqday.

“Runtii waan ka xumahay arrintaasi, sababtoo ah xaafaddu kama duwana xaafadaha kale ee mushkiladahaasi ay haysato, waana xaafad dadaal badan sameysay oo isku dayday inay ka hortagto cudurkaas. Ganacsatada iyo shacabka meesha degana ay u hoggaansameen.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...