Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: DF Somaliya oo soo saartay hab cusub oo lagula tacaalayo Cudurka Coronavirus!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda amniga, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19.

Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...