Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Wasiir Fiqi oo ka badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo Al-Shabaab ay la damacsanaayeen, kadib markii Al-Shabaab ay qorsheeyeen miino inay ku dhajiyaan gaarigiisa.

Wasiir Fiqi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka hortageen qorshahaasi, islamarkaana gacanta lagu soo dhigay shaqsigii damacsanaa inuu miinada ku dhajiyo gaariga Wasiirka amniga Galmudug.

Wuxuuna sheegay in Ciidamada ay qabteen Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo Magaciisa ku sheegay Aweys, kaas oo uu sheegay in uu doonayay in uu fuliyo falal amni darro.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay Amiir ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab inay toogteen Ciidamada, kadib markii la isku dayay in gacanta lagu soo dhigo, balse uu dagaalamay, maadaama uu haystay Bistoolad islamarkaana Ciidamada ammanka uu la dagaalay.

Qorshaha Al-Shabaab ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay inay laayaan dadka haldoorka u ah Maamulka Galmudug ee dhaq dhaqaaqa u wada, waxaana uu sheegay shacabka Galmudug in laga doonaayo inaysan gabaad siin Al-Shabaab.

Si kastaba ha’ahaatee, deegaannada Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ka bilowday hawlgal Wasaaradda Amniga Galmudug ay kula dagaalameyso Al-Shabaab, sidoo kalena Ciidamada maleeshiyaadka Galmudug jooga lagu qarameynaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...