Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Caasimadda Muqdisho ka bilowday banaanbax ay dhigayaan qaar ka mid ah Shacabka Gobolka Banaadir oo la soo abaabulay, kuwaas oo taageero u muujinaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Banaanbaxaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid lagu taageerayo hadalkii Sabtidii shalay uu Madaxweynaha JF Soomaaliya ka sheegay furitaanka kal-fdhiga 7aad ee Baarlamaanka, kaas oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka Sare.
Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ee waaweyn, sida wadada Maka Almukarama iyo wadada Isgoyska Jubba illaa taalada daljirka daahsoon ayay dadka ku banaanbaxayaan, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin dowlad diide dooni meyno.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa subixii hore ee Sabtida maanta ah waxa ay xireen waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya inay maraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo dadka Shacabka ah ay wataan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa banaanbaxa ka qeyb-galaya, kuwaas oo la filayo inay dadka kula hadlaan goobo ay ka mid yihiin Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Waxa uu ku soo beegmayaa, banaanbaxan abaabulan, iyadoo dalka uu ka jiro Cudurka Coronavirus oo goobaha waxbarashada ay xiran yihiin si aysan dadka isugu imaanin, balse banaanbaxan oo ay ka qaybgalayaan Boqolaal dadweyne ayaanan loo fiirin cudurka dilaaga ah ee ka jira dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





