Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed oo ka socda Xadka Hiiraan iyo Galgaduud

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya deegaano ka trsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in subixii Sabtida maanta ah Deegaanada Ceyr-Daye iyo Miira-jibaale oo ku yaalla xadka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud uu ka bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu daba coday dagaal xalay ka dhacay deegaanada Ceyr-Daye iyo Miira jibaale kaas oo sababay dhimashada 2 qof, iyo dhaawaca tiro kale.

Labada maleeshiyo beeleed ee dagaallamaya ayaa waxaa la sheegay inay yihiin dada xoolo dhaqato ah oo dhul isku heysto, kuwaas oo dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabta, waxaana jirtay in dhowr jeer la sameeyay dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo, balse aan lagu guuleysan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dagaalka maanta halkaasi ka dhacay uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana dadka deegaannada lagu dagaallamayo qaarkood ay sheegayaan inay weli maqlayaan rasaas ay isku ridayaan labada aleeshiyo beeleed.

Ilaa iyo hadda kama aysan hadlin mas’uuliyiinta maamullada gobolka Hiiraan iyo Galgaduud dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday deegaanno u dhaxeeya labadaasi gobol.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...