London (Halqaran.com) – Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada London ee dalka ingiriiska ku geeriyooday Wariyihii hore ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Axmed Cabdinuur oo maalmahaan xanuunsanaa.
Marxuum Axmed Cabdinuur ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Cudurka safmareenka ah COVID-19, kadib 16 maalin oo uu la xanuunsanaa.
AUN Axmed Cabdinuur ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho, sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.
Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan u wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dhammaan Suxufiyiinta Soomaaliyerd ayaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay geerida Naxdinta leh ee ku timid Marxuum Axmed Cabdinuur.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





