Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

Yusuuf Garaad oo wax ka qorey Taariikhda Axmed Cabdinuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Ambassador Yusuf Garaad Cumar ayaa qormadaan uga hadlaya taariikhdii saxaafadda AUN Axmed CabdiNuur oo kooban.

‘‘Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdi Nuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday London.

Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka.

Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood.

Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay.

Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho.

Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay.

Nin deggan, oo aan caaddifad aqoon ayuu ahaa, oo wararka dhacdooyinka uu tebinayo ka dhowra in dareenka iyo danihiisa shakhsiga ahi ay saameyn ku yeeshaan.

Mas’uul wuxuu ahaa afgaaban se hadalka xikmadda iyo xusuusta reeba heli og.

Axmed Cabdi Nuur Allah ha u naxariisto, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisa faraha bandanna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Ilaahow Jannada ugu bishaaree.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...