Friday, July 10, 2026
24.9 C
Mogadishu

Update: Kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo khilaafka doorashada oo billaabanaya

Garoowe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada Puntland uu ka bilaabanayo kulan gaar ah oo looga hadlayo xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee uu muranka ka taagan yahay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in Kulankan ay wada qaadan doonaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharraxiinta ee halkaasi ku sugan, iyaga oo ka wada haddli doona isbedelada siyaasadeed iyo isku soo dhawaanshaha xagga doorashada ee muuqda, kaas oo uu ka shaqeeyey Madaxweynaha Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Halqaran News u sheegeen in musharraxiinta qaar ay kasoo horjeesteen aragtida Jubbaland iyo Puntland ee ah in heshiis la gaaro wixii ka dambeeya 28ka bishan, iyaga oo doonaya in la dadajiyo doorashada.

Kulamada looga hadlayo xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda si isdaba-joog ah u dhici doona.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble in uu la kulmo qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...