Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka sare oo xubno looga darayo guddiga doorashada ay magacaawday xukuumadda

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobollada waqooyi ayaa la filayaa in Afar xubnood oo ka socda dhanka Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi loogu daro Guddiga doorashooyinka ay horay u Magacaawday xukuumadda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulamo lagu xalinaayo tabashada guddoomiyaha aqalka sare uu ka keenay Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo ay magacaawday xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in wadatashi la’aan lagu Magacaabay.

Shirar magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ay ku yeesheen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu gaaray isfamka xubnaha loogu darayo Gddoomiyaha aqalka sare Guddiga ay Magacaawday Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraalo isdaba-joog ahaay oo uu soo saaray ayuu dhowr jeer uga soo horjeestay guddiga doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo ay magacaawday xukuumadda, isaga oo Magacaabay Guddiyo kale, waxaana tallaabadaas ku taageeray Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...