Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

DF Somaliya oo sheegtay inay ka go’an tahay in maamul goboleedyada la gaarsiiyo Maxkamadda CXDS

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka la gaarsiiyo Maxkamada Ciidanka qalabka Sida.

Sidoo kale wuxuu sheegay, in dib u habeyntii lagu sameeyay ciidanka qalabka sida aysan hirgalin doonin tan iyo inta laga helaayo Maxkamada wareegta oo hadba tagta xerooyinka ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaradda Difaaca ay wasaaradda Maaliyada ka dalban doonto in la kordhiyo adeegga dhaqaalle ee Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.

Waxaa uu xusay in wali ay jiraan Cilado hortaagan in uu hirgalo dib habeyntii ciidanka dowladda Soomaaliya, maadaama Maxkamada aysan heysan dhaqaallo badan oo ay ku howlgasho.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Maxkamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay Magacowday ka dib markii xilka laga qaaday Libaan Cali Yarow.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...