Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar hoobiyeyaal ah ay ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya, in xalay dadka deegaanka ay maqleen dhawaqa hoobiyeyaasha lagu weeraray xerada ciidamada Jabuuti oo ku yaalla Suuqa Xoolaha ee Kaba laays ee Xaafadda Howlwadaag.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas oo la sheegay inay gaarayeen ilaa Afar, kuwaas oo dadka Beleweyne qaarkood ay sheegeen inay dareemeen cabsi weyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magalaada Beledweyne iyo duleedkeeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...