Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Xisbiga Wadajir oo War ka soo saaray Shirkii Dhuusamareeb3 ”Qabyo ayuu ahaa heshiiskii Dhuusamareeb3”

Muqdisho (Halqaran.com) –  Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada ugu weyn ee Mucaaradka ee Soomaaliya, ayaa war ka soo saaray heshiiskii lagu gaaray Shirkii Dhuusamareeb 3.

War-Saxaafeed kas oo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu sheegay in la yareeyo ergooyinka dooranaya doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu sheegay madaama dowladda dhexe ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah in loo baahan yahay in ergooyinka wax dooranaya laga dhigo 101.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, in Wadahadal lala galo saamileyda Siyaasadeed iyo Madaxda ka maqan Shirka Dhuusamareeb 3 ee shalay la soo gabagabeeyay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xusay, si doorashada ay ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay ‘waa in si deg-deg ah loo dhisaa Xukuumadda cusub, lalana soo magacabaa Ra’iisul Wasaare cusub.

Hadda halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...